Caasimada Online Isha Wararka Sugan 2017-12-18T00:42:45Z https://www.caasimada.net/feed/atom/ WordPress https://i1.wp.com/www.caasimada.net/wp-content/uploads/2015/07/fav-image-55b02172v1_site_icon.png?fit=32%2C32&ssl=1 Saalax Sabriye http://www.caasimada.net <![CDATA[Xog dheeri ah: Howlgalkii NISA xalay ku weerareen kuna kaxeysteen C/raxmaan C/shakuur]]> https://www.caasimada.net/?p=285032 2017-12-18T00:42:45Z 2017-12-18T00:20:20Z Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas xalay saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, oo dhex martay ciidamada NISA iyo ilaalada siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiraxmaa Cabdishakuur. Ilaalada hoyga C/raxmaan C/shakuur, ayaa iska caabin xoogan kala hortagey ciidankii soo weeraray, iyadoo labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka […]

The post Xog dheeri ah: Howlgalkii NISA xalay ku weerareen kuna kaxeysteen C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.

]]>
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas xalay saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, oo dhex martay ciidamada NISA iyo ilaalada siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiraxmaa Cabdishakuur.

Ilaalada hoyga C/raxmaan C/shakuur, ayaa iska caabin xoogan kala hortagey ciidankii soo weeraray, iyadoo labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in xilligii la weeraraayay hoygaasi uu ku sugnaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in C/raxmaan C/shakuur ay gacanta jug ka gaartay, ayna kaxeysteen ciidamada NISA isaga iyo siyaasi la joogo oo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin.

Inkasta oo warar hore ay sheegayeen inuu weerarka ku dhaawacmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa haddaa waxaa goor dambe soo baxday in dhaawucu yahay jug ka gaartay gacanta, oo aysan ahayn xabad ku dhacday.

Nin ay ehel yihiin C/raxmaan C/shakuur oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, lana hadlay Caasimadda, ayaa yiri “Waxaan maqalnay in weerarka lagu wataty Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa meesha ka dhacay waa wax aad iyo aad u fool xun”

Nin kale oo ka mid ah dadka deegaanka oo ka waramay sida ay xaaladda isu bedeshay markii uu weerarku bilowday, ayaa yiri “Saqdii dhexe ee xalay anagoo jiifno ayaan markeliya hurdada kaga soo toosnay rasaas xoogan oo dhawr jiho ka dhaceysay, waxaana ogaanay in Ciidanka NISA ay weerar ku qaadeen guriga C/raxmaan C/shakuur.”

Isagoo la hadlayay Caasimadda, ayuu yiri “Dabcan wuxuu weerarkan ahaa mid qorsheysan marka aad fiiriso sida abaabulan ee ay Ciidanka NISA u soo qaadeen weerarkan, gaadiidkii iyo hubkii cuslaa ee ay wateenba.”

Ciidan kale oo kuwa dowladda ka tirsan oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa la wareegay hoyga C/raxmaan C/shakuur.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay inay haysteen warqad kasoo baxday xeer-ilaalinta qaranka oo lagu amray in lasoo xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu sidoo kale sheegay inay jirto warqad ah inuusan dhoofi karin oo la dhigay garoonka diyaaradaha.

C/raxmaan C/shakuur, ayaa sababta loo weeraray waxaa loo maleynayaa, dhaliilo kul kulul oo muddooyinkanba uu Madaxda Dowladda u marinaayay Warbaahinta

The post Xog dheeri ah: Howlgalkii NISA xalay ku weerareen kuna kaxeysteen C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Sahra Xanaan <![CDATA[Xog: Xildhibaanno durba mooshin ka gudbinaya xeer Ilaaliyaha qaranka]]> https://www.caasimada.net/?p=285030 2017-12-18T00:42:13Z 2017-12-18T00:15:20Z Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoonka BFS iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay haddal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir. Guddoonka iyo Xildhibaanada kulanka qaatay ayaa ku kala aragti duwanaa kulanka ay ka yeesheen arrinta Xeer Ilaaliyaha waxaana haddalkaas taageeray tiro Xildhibaano ah, halka […]

The post Xog: Xildhibaanno durba mooshin ka gudbinaya xeer Ilaaliyaha qaranka appeared first on Caasimada Online.

]]>
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoonka BFS iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay haddal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir.

Guddoonka iyo Xildhibaanada kulanka qaatay ayaa ku kala aragti duwanaa kulanka ay ka yeesheen arrinta Xeer Ilaaliyaha waxaana haddalkaas taageeray tiro Xildhibaano ah, halka qaarna ay kasoo hor jeesteen.

Xildhibaanada ugu badan ayaa soo jeediyay in laga sal gaaro hadalka Xeer Ilaaliyaha isla markaana Shacabka Soomaaliyeed aan la tusin mucaaradnimada dowlada, halka qaarna ay cod dheer ku sheegen in Xeer Ilaaliyaha uu u gafay Xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa isla kulanka ku ballanqaaday inay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Waxa ay sheegen in Mooshinkaasi ay ku dalban doonaan isla xisaabtan iyo in Xeer ilaaliyaha uu gabay howshii loo igmaday.

Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan mooshin ay ku dalbanayaan in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo  xeer hoosaadka uu qabo 20% ama 55 Xildhibaan ay codsan karaan ama soo jeedin karaan in kalfadhiga dib loo furo.

Si kastaba ha ahaatee hadalkii ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha ee ahaa in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Saabir ay galeen fal dambiyeed qaran dumis ah ayaa durba dhaliyay xaalad siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Xildhibaanno durba mooshin ka gudbinaya xeer Ilaaliyaha qaranka appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Sahra Xanaan <![CDATA[Fadeexad: Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu helay kiis argagixiso la jir ah]]> https://www.caasimada.net/?p=285023 2017-12-18T00:42:06Z 2017-12-18T00:10:17Z Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu helay kiis la xiriira in dhaqaale iyo Hub ay ku bixin jireen sii jiritaanka Kooxda Daacish oo dunida looga aqoonsaday argagixisada ugu awooda badneyd. Qoraal kasoo baxay Hay’adda baarta hubka culus ee loo yaqaan Conflict Armament Research, oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa waxaa lagu sheegay […]

The post Fadeexad: Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu helay kiis argagixiso la jir ah appeared first on Caasimada Online.

]]>
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu helay kiis la xiriira in dhaqaale iyo Hub ay ku bixin jireen sii jiritaanka Kooxda Daacish oo dunida looga aqoonsaday argagixisada ugu awooda badneyd.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda baarta hubka culus ee loo yaqaan Conflict Armament Research, oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa waxaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay Kooxda Daacish u isticmaashay burburinta Syria iyo Ciraaq.

Hay’adda CAR, waxa ay sheegtay in labadaasi dowladood ay Daacish ku bixin jireen dhaqaale iyo Hubka noocyada culus oo loo isticmaalay dagaalada Siiriya iyo Ciraaq.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in meesha ugu badan ee laga keenay Hubka uu yahay Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana xusid mudan in Hubkaas 40.000 oo rasaas ah laga soo saaray dhulka Ciraaq iyo Siiriya.

Hubka iyo rasaasta laga soo saaray dhulka ayaa waxaa ku dhagnaa calaamadaha ay isticmaalan ciidamada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay in inta badan hubka ay ku dagaalamayeen ay ka qabsadeen ciidamada dowladaha Siiriya iyo Ciraaq, halka qeybaha kale ay isugu jireen Yurub, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Hubka Yurubta oo ay isticmaalayeen Daacishta ayaa la sheegay inay soo gateen oo keenay goobaha dagaalka dalalka Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Warbixintan ayaa ah midii ugu horeysay oo si dhab ah u cadeenaysa shakigii horey looga qabay in dalalka Maraykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga ay si dadban hubka u siiyaan kooxda Daacish.

Dhinaca kale, arrintan ayaa ka hor imaaneysa sharuucda caalamiga ah ee mamnuucayey in dowladaha hub u diraan goobaha ay ka socdaan dagaalada sokeeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Fadeexad: Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu helay kiis argagixiso la jir ah appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Sahra Xanaan <![CDATA[Xog: Cabdi Weli Gaas oo durba musharax ah iyo dowlad ku taageeraysa]]> https://www.caasimada.net/?p=285022 2017-12-18T00:41:59Z 2017-12-18T00:05:15Z Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa lagu wadaa in mar kale uu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyenimo ee Punrland. C/weli Gaas, ayaa xili hore u sii tafa-xeetay waddo waliba oo uu ku heli karo xilka, waxaana xusid mudan inuu garab ka helaayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo dhaqaale uruursi […]

The post Xog: Cabdi Weli Gaas oo durba musharax ah iyo dowlad ku taageeraysa appeared first on Caasimada Online.

]]>
Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa lagu wadaa in mar kale uu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyenimo ee Punrland.

C/weli Gaas, ayaa xili hore u sii tafa-xeetay waddo waliba oo uu ku heli karo xilka, waxaana xusid mudan inuu garab ka helaayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo dhaqaale uruursi kawada deegaanada Puntland, gaar ahaan Dekadda.

Gaas, ayaa ballanqaadka xil kusoo celinta ka heysta dowlada Imaaraadka oo uu u fududeeyay dhammaan baahiyihii kaga xayirnaa Somalia, sida qaska Siyaasada Somalia iyo Heshiiska Dekadda.

Gaas, oo xili hore usii tabaabusheystay doorashada ayaa xiligaan ku taamaya in xubno aad u badan uu ku yeesho baarlamaanka imaan doona.

C/weli Gaas oo kaashanaaya Keydkiisa iyo Odayaasha Beelaha ayaa durbo sii bilaabay xudashada Odayaasha si ay ula imaadan Xildhibaano codka siinkara.

C/wali waxa uu mudada ka harsan doorashada xooga saari doonaa dhanka beelaha isagoo qorshaha uu ka leeyahay ay kamid tahay in lasoo doorto si uu ugu sii nagaado Siyaasada Somalia.

Qorshihiisa kusoo laabashada xilka ayaa waxa uu u qanciyay xitaa beelo aan horay Kuraas ugu lahaan jirin baarlamaanka iyo golayaasha kale ee maamulka, beelahaa oo uu ku tashanaayo codadkooda.

Sidoo kale, doorashada maamulka ayaa lagu wadaa in muddo 12 bilood ah kadib dhacdo taas oo ay ka horeyn doonto soo xulida Xildhibaanada cusub oo bilaaban doonta 10 bilood kadib, marka la kala diro Xildhibaanada golaha wakiilada.

Doorashada 2019 ayaa leh xiiso ka duwan kuwii hore marka la eego arrimo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Cabdi Weli Gaas oo durba musharax ah iyo dowlad ku taageeraysa appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Caasimada Online <![CDATA[Sawirro: Gobolka Banaadir oo waxbarasho lacag la’aan ah siinaya 10 kun oo canug]]> https://www.caasimada.net/?p=285039 2017-12-18T00:41:58Z 2017-12-18T00:00:12Z Dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka Banaadir oo hela waxbarasho ay dowladdu damaanad qaaddo oo gaarsiisan heerka dugsiga hoose iyo dugsiga sare waa mid kamid ah howlaha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay. Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay […]

The post Sawirro: Gobolka Banaadir oo waxbarasho lacag la’aan ah siinaya 10 kun oo canug appeared first on Caasimada Online.

]]>
Dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka Banaadir oo hela waxbarasho ay dowladdu damaanad qaaddo oo gaarsiisan heerka dugsiga hoose iyo dugsiga sare waa mid kamid ah howlaha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay.

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay dib u dayactirka iyo qalabeynta dugsiyada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale kor-u-qaadista adeegyada waxbarashada ee caasimada Muqdisho.

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa mashruucan iska kaashanaya.

“Ujeedkeennu waa in ugu yaraan hal iskuul oo dowladeed laga helaa degmo kasta si carruurteennu u helaan waxbarasho lacag la’aan ah oo tayo leh. Waa arrin naga go’an inaan u istaagno carruurteena, waana maalgashi xooggan oo muujinaya isla xisaabtan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee mashruuca waa in dayactirka shan dugsi hoose iyo xarun tababar xirfadeed oo ay ka faa’ideysanayaan ilaa 10 kun oo carruur ah si loo hor mariyo nolosha qaxootiga dalka ku soo laabanaya, Barakacayaasha iyo dadka noloshoodu hooseeyso oo fursado loogu abuuro.

Mashruuca waxa uu maalgelin ku sameynayaa xirfadleyda gudaha oo ay ku jiraan Injineerada shaqaalaha dhismaha si fursado shaqo loogu abuuro. Mashruuca waxa uu ka qeyb qaadanayaa dib udhiska caasimadda iyo hagaajinta muuqaalka magaalada Muqdisho.

Ka sokoow faa’idooyinka uu mashruucu u leeyahay shaqaalaha xirfadleyda ah waxaa horay loo shaqaaleeysiiyay 1000 (kun) dhallinyaro ah oo kamid ah qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay oo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

The post Sawirro: Gobolka Banaadir oo waxbarasho lacag la’aan ah siinaya 10 kun oo canug appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Sahra Xanaan <![CDATA[Guddoonka BF & Xildhibaano kulan degdeg ah ka yeeshay Hadalkii Xeer Ilaaliyaha (Xiisad cusub)]]> https://www.caasimada.net/?p=285018 2017-12-17T18:30:41Z 2017-12-17T18:26:56Z Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xarunta Villa Hargeysa uu kusoo dhamaaday kulan degdeg ah oo u dhexeeyay Guddoonka BF iyo Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan isla baarlamaanka. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay hadal uu maanta soo saaray Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir kaa oo lagu dalbaday in baaritaan lagu […]

The post Guddoonka BF & Xildhibaano kulan degdeg ah ka yeeshay Hadalkii Xeer Ilaaliyaha (Xiisad cusub) appeared first on Caasimada Online.

]]>
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xarunta Villa Hargeysa uu kusoo dhamaaday kulan degdeg ah oo u dhexeeyay Guddoonka BF iyo Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan isla baarlamaanka.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay hadal uu maanta soo saaray Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir kaa oo lagu dalbaday in baaritaan lagu sameeyo laba Xildhibaan oo ka tirsan BFS kuwaa oo lagu eedeeyay Qaran dumis.

Kulanka oo ay banana jog ka ahaayen Wariyayaasha ayaa waxaa diirada lagu saaray haddalka kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka waxa ayna Xildhibaanadu dareen ka muujiyeen hadalka Xeer Ilaaliyaha.

Xildhibaanadu waxa ay sheegen in hadalkaas uu ahaa mid xadgudub ah iyo weerar lagu soo qaaday Baarlamaanka, halka qaarna ay sheegen inay muhiim tahay in baarlamaanka laga dhex saaro Xildhibaankii qas ku haya dalka.

Xildhibaanada oo ku kala aragti duwanaa haddalka Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxa ay qaarkood taageeren Xeer ilaaliyaha, halka qaarna ay ka taageeren Xildhibaanada Mucaaradka ee farta lagu fiiqay.

Xildhibaanada garabka siiyay Xil. Xasan Macalin iyo Saabir, ayaa sheegay in hadalka xeer Ilaaliyaha uu gef ku ahaa Xildhibaanada, isla markaana ay doonayan inay kala xisaabtamaan, waxaana ay soo jeediyeen in kalfadhiga Baarlamaanka dib loo furo.

Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa sheegaya in laga yaabo xaaladan soo korortay darteed uu Guddoonka Golaha shacabka u soo saaro war saxaafadeed ku aadan jawaabta Xeer Ilaaliyaha iyo dareenkii Xildhibaanada ka muujiyeen.

Dhinaca kale, arrintaan ayaa xiisad ka dhex abuuri doonta Xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa Muxaafidka ah, waxaana suuragal ah in qaabab kale loo rogo arrinkan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Guddoonka BF & Xildhibaano kulan degdeg ah ka yeeshay Hadalkii Xeer Ilaaliyaha (Xiisad cusub) appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Sahra Xanaan <![CDATA[Akhriso: Qodobada uu xildhibaanka ka tirsan BFS ku weyn karo xubinnimadiisa]]> https://www.caasimada.net/?p=285013 2017-12-17T17:09:06Z 2017-12-17T17:05:46Z Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris. Xeer ilaaliyaha ayaa labada Xildhibaan ku eedeeyay inay yihiin Qaran dumis, isla markaana dadaal xoogan ku bixinayaa sida Somalia ay u gali laheyd jawi burbur. […]

The post Akhriso: Qodobada uu xildhibaanka ka tirsan BFS ku weyn karo xubinnimadiisa appeared first on Caasimada Online.

]]>
Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris.

Xeer ilaaliyaha ayaa labada Xildhibaan ku eedeeyay inay yihiin Qaran dumis, isla markaana dadaal xoogan ku bixinayaa sida Somalia ay u gali laheyd jawi burbur.

Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya.

Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo.

Haddaba Xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Somalia waxa uu leeyahay awoodo gaara oo xadidan, iyadoo talaabooyinka qaar uu yahay mid uu Xildhibaanka ku weynkaro xilka.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA UU XILDHIBAANKA KA TIRSAN BFS KU WEYN KARO XUBINNIMADIISA

Qodobka 59aad ee dastuurka waxaa ku qoran sababaha uu Xildhibaan ku lumin karo xubinnimada baarlamaanka federaalka ah

(1)         Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:

(a)        Xubinta oo Geeriyoota

(b)       Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.

(c)        Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.

(d)       Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(e)        Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn

(f)        Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.

(2)         Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.

(3)         Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

The post Akhriso: Qodobada uu xildhibaanka ka tirsan BFS ku weyn karo xubinnimadiisa appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Sahra Xanaan <![CDATA[Donald Trump’s lawyer claims investigator in Russia probe ‘unlawfully’ got emails]]> https://www.caasimada.net/?p=285010 2017-12-17T16:05:51Z 2017-12-17T16:05:09Z The special counsel probing whether US President Donald Trump’s campaign colluded with Russia has unlawfully received tens of thousands of emails, a lawyer for Trump’s transition alleges, according to US media. In a letter to congressional committees, Kory Langhofer says the General Services Administration (GSA) “unlawfully produced” the private materials, including privileged communications which special […]

The post Donald Trump’s lawyer claims investigator in Russia probe ‘unlawfully’ got emails appeared first on Caasimada Online.

]]>
The special counsel probing whether US President Donald Trump’s campaign colluded with Russia has unlawfully received tens of thousands of emails, a lawyer for Trump’s transition alleges, according to US media.

In a letter to congressional committees, Kory Langhofer says the General Services Administration (GSA) “unlawfully produced” the private materials, including privileged communications which special counsel Robert Mueller then used as part of his Russia probe, Axios news site reported on Saturday.

ILLEGAL

GSA is the government agency which supports presidential transitions.

The accusations by Langhofer, representing Trump’s transition team, are the latest by Republicans seeking to raise doubts about the credibility of Mueller’s investigation, which has already led to charges against Trump’s former national security advisor and three other people linked to the presidential campaign.

Langhofer wrote that Mueller’s office “received from the GSA tens of thousands of emails, including a very significant volume of privileged material,” according to a copy of the letter published by Politico.

The letter suggests that a warrant should have been obtained for such materials, and says that the incident undermines the Presidential Transition Act.

“This is another attempt to discredit Mueller as his #TrumpRussia probe tightens,” California Democratic Congressman Eric Swalwell said on Twitter in response to the Langhofer accusations.

INVESTIGATIONS

Some members of Trump’s Republican Party have already urged that a second special counsel be named to investigate Mueller’s operation.

The special counsel’s critics have seized upon the case of Peter Strzok, a senior FBI agent whom Mueller removed from his team for sending text messages critical of Trump.

In addition to whether Trump’s campaign team colluded with Russia to help him win last year’s election, the special counsel is also looking at possible obstruction of justice, after Trump fired FBI director James Comey.

Trump has repeatedly denied that there was any collusion.

Source: AFP

The post Donald Trump’s lawyer claims investigator in Russia probe ‘unlawfully’ got emails appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Sahra Xanaan <![CDATA[Muuse Biixi oo magacaabay xilal cusub & Beelo aan weli ku qancin maamulka cusub]]> https://www.caasimada.net/?p=285004 2017-12-17T15:58:16Z 2017-12-17T15:56:28Z Hargeysa (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa lagu magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland. Wareegtada ayaa waxa ay u qornayd sidan: Xafiiska Madaxweynaha Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017. Wareegto Madaxweyne Magacaabid. Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh); Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista […]

The post Muuse Biixi oo magacaabay xilal cusub & Beelo aan weli ku qancin maamulka cusub appeared first on Caasimada Online.

]]>
Hargeysa (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa lagu magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.

Wareegtada ayaa waxa ay u qornayd sidan:

Xafiiska Madaxweynaha
Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017.

Wareegto Madaxweyne Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi; Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale, Beelaha qar ee daga Boorama ayaa aad u dhaliilsan magacaabida uu sameeyay Muuse Biixi, taa oo la sheegay inay u janjeerto hal dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com

The post Muuse Biixi oo magacaabay xilal cusub & Beelo aan weli ku qancin maamulka cusub appeared first on Caasimada Online.

]]>
0
Saalax Sabriye http://www.caasimada.net <![CDATA[Mahad Salaad oo weerar qaawan ku qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo jawaabo laga bixiyey]]> https://www.caasimada.net/?p=284988 2017-12-17T15:30:14Z 2017-12-17T14:23:14Z Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladnimada Soomaaliya ayaa Bartiisa Facebook kusoo qoray hadal aan runtii si weyn ula yaabay sidoo kalana ay la yaabeen intii akhrisatay. Mahad Salaad ayaa soo qoray Farriintaan hoos kaaga muuqato: CAJIIB! Ma Madaxweyne mise…!!! Mudane Madaxweyne Xildhibaan in xasaano laga qaado, lana dacweeyo wado sharci oo […]

The post Mahad Salaad oo weerar qaawan ku qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo jawaabo laga bixiyey appeared first on Caasimada Online.

]]>
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladnimada Soomaaliya ayaa Bartiisa Facebook kusoo qoray hadal aan runtii si weyn ula yaabay sidoo kalana ay la yaabeen intii akhrisatay.

Mahad Salaad ayaa soo qoray Farriintaan hoos kaaga muuqato:

CAJIIB! Ma Madaxweyne mise…!!!

Mudane Madaxweyne Xildhibaan in xasaano laga qaado, lana dacweeyo wado sharci oo loo maro iyo ogolaansho Barlamaan ayay u baahantahay ee garsoorka hanaga danbaajin!

Waxa aad ka qubaneyso haday tahay mooshinka lagaa qorayana xeer ilaalin kaama joojin karto ee Xildhibaanada ha isku sii caraadin. Hadii ujeedku ahaa indhaha Umadda Soomaaliyeed kasii jeedi Ciidamada aad qabiilka ku sheegtay ee aad kala dirtayna kow kaamaanan dhihin, waadna ku fashilantay hugaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee aan ku duceynee xilkii umaddu kugu aamintay usoo celi si ay u doortaan mid ka shaqeeya danta dalka, dadka iyo diinta.

Midna ogow mudane Madaxweyne, annagu waxaan u dhaaranay dalka, dadka iyo diinta inta naftu nagu jirtana cidna uga haybeysan meyno difaacooda ee waqti yuusan kaaga dhumin caay, caga jugleyn iyo kicinta ciifo qabiil!

Hadalkaas Mahad Salaad uu kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa noqday fadeexo weyn, wuxuuna dharka usoo siibtay inuu aflageedyo madaxweynaha Soomaaliya oo ah shakhsiga ugu sareeyo Soomaaliya.

Qof kasta oo akhriyo waxa uu Facebook kusoo qoray Mahad Salaad waxaa u caddaaneyso inuusan matali karin Shacabka Soomaaliya isla markaasna aan looga fadhin inuu dalka wax kusoo kordhiyo.

Midda iigu yaabka badneyd ayaa aheyd markii uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey waxaan u dhaaranay dalka diinta iyo dadka.

Mahadow maxaad u qabatay dalka Diinta iyo Dalka Afartii sano ee aad Madaxtooyada ku jirto oo ay laba jeer oo kala duwan ay Shabaab gudaha kuugu soo galeyn?!

Waxaan akhriyey ilaa 200 oo jawaab oo laga bixiyey hadalkiisa, 99% dadka fariimaha kasoo dhiibtay ayaa dhammaantood  jawaabo uu u qalmo siiyey mahad Salaad waxaana kasoo qaadanayaa dhawr xabo oo ugu muhiimsanaa:

  

Waxaa qoray: Saalax Sabriye Cali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

 

The post Mahad Salaad oo weerar qaawan ku qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo jawaabo laga bixiyey appeared first on Caasimada Online.

]]>
0